Sudan oo dacwad ka gudbisay Puntland oo noqotay xarun hubka loo mariyo RSF

0

KHARTUUM – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya cabasho rasmi ah oo ka dhan ah Maamulka Puntland, iyagoo ku eedeeyay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso uu noqday xarun istiraatiiji ah oo ay ka baxaan ciidan iyo saanad militari oo loo geeyo ciidamada RSF.

 

Sida lagu sheegay warqadda rasmiga ah ee ay Sudan u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Garoonka Boosaaso ee ku yaalla Puntland ayaa la sheegay inuu noqday marin muhiim ah oo loo adeegsado dirista ciidan aan rasmi ahayn (mercenaries) iyo qalab militari oo si toos ah ama si dadban loogu taageerayo RSF – koox hubeysan oo dagaal kula jirta dowladda rasmiga ah ee Sudan, tan iyo markii uu burburay heshiiskii awood qeybsiga ee dalkaasi.

Dowladda Sudan ayaa ku andacooneysa in howlahaasi lagu fulinayo si qarsoodi ah, iyadoo lagu eedeynayo Puntland inay ka indho-tireyso ama si dadban u fududeyneyso dhaqdhaqaaqyadaas halista ah. Warbixinta Sudan ayaa sidoo kale si gaar ah u tilmaamaysa in socdaalka dadka loo maleynayo inay yihiin ciidan calooshood u shaqeystayaal ah lagu abaabulayo gudaha Puntland ka hor inta aan loo duulin gudaha Sudan.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan dib u eegis ku sameyneyso cabashada, iyadoo ay socdaan wadatashi dhanka siyaasadda iyo ammaanka ah oo lagu ogaanayo xaqiiqada warka Sudan, loona tixgalinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Maamulka Puntland weli kama uusan hadlin eedeynta Sudan, lamana helin wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada ama tan Amniga ee maamulkaasi oo ku aaddan arrinta.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa imaneysa xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xasilooni darro baahsan, iyadoo dagaalka sokeeye ee Sudan uu sii socdo, isla markaana uu saameyn ballaaran ku yeeshay dalalka jaarka ah. Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa cadaadis ah inay kala caddeyso mowqifkeeda ku aaddan taageeridda nabadda iyo ka fogaanshaha inay qeyb ka noqoto khilaafaadka gobolka.

Waxaa la filayaa in arrintan ay si weyn uga hadlaan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ay la hadlaan dhiggooda Sudan si loo xalliyo khilaafka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here